Diyaarado ay leeyihiin Milliteriga Qatar ayaa la sheegay inay 24 Gawaarida Gaashaaman u daad-gureeyeen dalka Maali, taasi oo u muuqata Isku-day ay Dowladda Qatar ku doonayso inay ku taageerto Dalalka Gobalka Saaxil ee Dagaalka kula jira Kooxaha loogu yeero Argagixisadda.
Hadal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Qatar ayaa lagu sheegay in Taageeradaasi gacan ka geysan doonaan La-dagaalanka Argagixsadda iyo Dhismaha Ammaanka ee dalalka xubnaha ka ah Isbahaysiga Saaxil ee G5.