Qarax jugtiisa laga maqlay Xaafadaha iyo degmooyinka qaar ee Gobolkani Banaadir ayaa ka dhacay Caawa Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.
Qaraxa ayaa ka dhacay inta u dhexeysa Isgooyska Taleex iyo KM4, waxaana wararku ay sheegayaan in uu qarxay Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, oo goobta yaallay.
Wali ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay Qaraxa, waxaana goobta gaaray Ciidanka ammaanka, kuwaasi oo xiray aagga wax ka dhaceen.
Wixii kusoo kordha halkaan kala soco.