Ra’isul-wasaarihii hore ee dalkaasi, Nawaaz Shariif waxaa maanta la soo taagay Maxkamadda La-dagaalanka Musuqa ee dalkaasi, isagoo lagu soo oogay Dembiyo la xiriira Musuqmaasaq.
Nawaaz Shariif oo 3 jeer Ra’isul-wasaare ka soo noqday dalkaasi waxay Maxkamaddu ku heshay inuu awoodi kari waayey inuu keeno caddaymo muujinaya Milkiyadiisa Wershad Birta ee Al-casiisiyah oo uu ku leeyahay gudaha dalka Sacuudiga.
Maxkamaddu waxay ku xukuntay Nawaas Shariif xabsi 7 sanno ah, balse waxa uu isagu ku dooday in Xukunkiisa ay Siyaasad ka dambeysay.
Shabakadda Wararka ee Wargeyska Dawn ayaa qortay in Ra’isul-wasaarihii hore ee dalka Pakistan, Nawaaz Shariif lagu ganaaxay lacag dhan 2.5 million oo Dollar oo kiiska Musuqa ee Wershadda Birta ee Al-casiisa ee ku leeyahay Sacuudiga.
Dhinaca kale, Taageerayaasha Xisbiga Nwaaz Shariif ee The Pakistan Muslim League (Nawaz) ee PML-N waxay dibadbax ka dhigeen caasimadda dalkaasi ee Islamabaad, iyagoo ka horjeeda Xukunkaasi.
Boliska waxay Dibdbaxayaasha ku kala cayriyeen Sunta dadka ka ilmeysiisa.