Afhayeenka Milliteriga Uganda, Richard Karemire waxa uu hadalkaasi ku sheegay Wareysi uu siiyey Wakaalladda Wararka Shiinaha ee XINHUA, wuxuuna xusay inay dhimistaasi tababar darayn doono guulihii ay AMISOM ka gaareen Hawlgalka ay kula dagaalamayaan Al-shabaab.
Waxa uu intaasi ku daray inay guulahaasi wiiqmi karaan, haddii aan la qaadanin Xulasho kale oo lagu xoojinayo guulahaasi.
Afhayeenka waxa uu tilmaamay inay waajib tahay in dhimis kasta asaas looga dhigo xaalladaha xaqiiqda ee ka jira dhulka, wuxuuna xusay in loo baahan yhaay tiro ballaaran oo Ciiddanka AMISOM, maadaama ay meesha ka maqan tahay Ciiddankii lama huraan ahaa iyo iyadoo aan weli si buuxda loo dhisin awoodda ciiddanka Qaranka Somalia.
Afhayeenka Milliteriga Uganda, Richard Karemire waxa uu sheegay in loo baahan yahay inay Dowladaha ay ciiddanka ka joogaan Somalia haatan yeeshaan Kulan ay ku go’aaminayaan tirada Ciiddan ee dib loogu celinayo dalalkodoa hooyo.
Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni waxa uu horey uga digay QM haddii ay hal Askari ka dhimaan ciiddankiisa inuu gebi ahaan la soo bixi doono ciiddanka Uganda e qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM.
Dalka Uganda waxay ka mid tahay dalalka ciiddanka ugu badan ee Hawlgalka AMISOM ee dagaalka kula jira Alshabaab.
Golaha Ammaanka ee QM waxay bishii la soo dhaafay ee May 31-dii ansixiyeen Qaraar lagu dhimayo 1,000 Askari oo ka tirsan Ciiddanka AMISOM, iyadoo tirada guud ee Ciiddankaasi lagu soo koobay 19,626 Askari oo ka kala socda dalalka Jabuuti, Uganda, Ethiopia, Burundi iyo Kenya.
Go’aanka Golaha Ammanaka ayaa la qataay iyadoo laga ambaqaadayo Qorshaha Xilliga Kala-guurka ee lagu heshiiyey sannadkii 2017-kii, kaasi oo qeexayey in ay AMISOM si tartiib tariib ah Hawlaha Ammaanka ugu wareejiyaan Ciiddanka Qaranka Somalia.