Qaban-qaabadii ugu dambeysay ee soo dhaweynta RW Rooble oo socota

Gelinka dambe ee Maanta ayaa lagu wadaa in Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu safar ku tego Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug.

Ra’iisul Wasaare Rooble iyo wafdigiisa ayaa ka ambabixi doona Magaalada Garoowe oo ay ku sugan yihiin, iyagoona saacadaha soo socda sida uu qorshahu yahay tegi doono Dhuusamareeb oo laga dareemayo qaban-qaabada soo dhaweynta.

Qaban-qaabadii ugu dambeeysay ee lagu soo dhaweynayo Ra’iisul Wasaaraha ayaa xiligaan ka socota Garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur, isla markaana waxaa halkaas ku sugan boqolaal qof iyo Mas’uuliyiin kala duwan.

Wafdi hordhac u ah Rooble oo isugu jira Mas’uuliyiin iyo Ciidankiisa Ilaalada gaar ah ayaa goorsii horeysay gaaray Dhuusamareeb, iyadoo Sawirrada RW Rooble lagu dhejiyay tabeelayaal la suray hareeraha laamiga.

Ujeedka Maxamed Rooble ayaa waxaa uu yahay sidii uu kulan ula qaadan lahaa Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo Madaxda kale ee Maamulka, isagoo kala hadli doona Arrimaha doorashada dalka ka dhacaya iyo xalinta tabashooyinka jira.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo labadii maalin ee dhaafay ku sugnaa Garoowe ayaa kulamo kusoo dhammaaday natiijo la’aan la qaatay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Mas’uuliyiin kale, kuwaasi oo looga hadlaayay Doorashada dalka.