Wafdi caalami ah oo Maanta kusoo wajahan Magaalada Muqdisho

Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya ayaa waxaa Maanta la filayaa inuu booqasho ku yimaado Wakiilka Sare ee Midowga Yurub ee arrimaha dibadda iyo Siyaasadda Amniga Josep Borrell iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in markii uu Muqdisho yimaado Wakiil Josep Borrell uu kulamo la qaadan doono Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Wakiilka Sare ee Midowga Yurub ee arrimaha dibadda iyo Siyaasadda Amniga ayaa Madaxda dowladda Federaalka kala hadli doono arrimo ay ka mid yihiin xiriirka Midowga Yurub iyo Soomaaliya, kaalmada ururka uu siiyo Soomaaliya iyo arrimaha abaaraha.

Midowga Yurub ayaa dowladda Federaalka ka taageera dhinacyo kala duwan oo ay kamid yihiin qorsheyaasha dib u habeynta hannaanka maaliyadeed ee dalka, tababarada Ciidamada, Amniga iyo shuruudaha ku xeeran arrimaha deyn cafinta ee dalka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor