Muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xayirnaa mid ka mid ah dalalka caalamka oo kusoo wajahan Muqdisho

Waxaa maalintii shalay aheyd kasoo amba baxay dalka Malaysia Muwaadiniin Soomaaliyeed oo tiradoodu kor u dhaafeyso 80 qofood kuwaas oo saacadaha soo socda soo gaari doona magaalada Muqdisho.

Muwaadiniintaan ayaa waxaa maalmihii lasoo dhaafay ay ku xayirnaayeen magaalada Kuala Lumpur ee dalka Malaysia,Ka dib markii duulimaadyaddii Caalamka ay hakad galeen sababo la xariira cudurka Covid19.

Muwaadiniintan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Kuala Lumpur ka sii sagootiyay una fududeeyay safarkooda Safaradda somaliyeed ee dalka Malaysia oo hormuud u yahay safiirka safaaradda Danjire Abukar Abdi osman “ Mardaadi”
diblumaasiyiinta Iyo hawlwadeenada kale ee safaaradda.

Safarkan ayaa ah kii ugu horeeyay oo nuuciisa oo kale ah oo muwaadiin ku xayirnaa dalka Malaysia loogu celiyo dalkii hooyo ee Somalia tan iyo intii uu addunka ku faafay xanuunka Covid19.

Dhowr jeer ayaa dalka waxaa dib loogusoo celiyay muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xayirnaa dalal badan oo caalamka ah waxaana muddooyinkii dambe sii kordhayay tirade dadka u xayirnaa Coronavirus ee dalka dib ugu soo laabtay.