Dagaal culus oo dib uga qarxay Laascaanood & Somaliland oo War kasoo saartay

Wararka aan ka heleyno magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa waxaa mar kale dib uga qarxay dagaal xooggan oo u dhexeeya ciidanka deegaanka SSC iyo ciidamada Maamulka Somaliland, dagaalka ayaana galay todobaadkii saddexaad.

Sida ay sheegayaan wararka, ciidamada Somaliland ayaa duulaan kale kasoo qaaday dhanka galbeedka magaalada, waxaana sidaasi ku bilowday dagaal la isku adeegsanayo hubka culus, sidoo kalena waxaa dagaalka barbar socda madaafiic lagu garaacayo Laascaan.

Dhinaca kale Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland oo War kasoo saartay dagaalka ayaa sheegtay in fariisimo ciidankooda ku leeyihiin Laascaanood ay weerar kusoo qaadeen kooxo ay ku sheegtay inay yihiin Argagixiso, iyaga oo istcmaalaya hub culus.

“Ciidanka Somaliland isagoo ilaalinaya xabad joojintii Xukuumaddu ku dhawaaqday, waxay ku sugan yihiin difaacna kaga jiraan fariisamadooda, masuuliyada weerarkan waxaa qaadaya kooxaha wejiyada badan ee ay ka mid yihiin kuwa nabad diidka ah iyo Argagixisada oo gabaadka ka dhiganaya shacabka iyo Laascaanood” ayey tiri Somaliland.

Dagaalka iyo duqaynta ciidamada Somaliland ka wadaan magaalada Laascaanood oo gashay todobaadkii saddexaad ayaa sababtay dhamisho, dhaawac, barakac iyo burbur, oo aad u badan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor