Wararka aan ka heleyno duleedka Degmada Walna-weyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas xalay saqdii dhexe uu markale ka qarxay dagaal xoogan oo u dhexeeyay laba Maleeshiyo beeleed.
Dagaalkaan ayaa salka ku haaya arrimo la xiriira maamulka deegaanka iyo dilal aano qabiil ah maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayay gudaha Degmada Walna-weyn, waxaana lagu soo waramayaa in dagaalkii xalay dhacay lagu gubay tuulooyin dhowr ah oo hoostaga degmadaas.
Ugu yaraan 20 ruux ayaa ku geeriyooday dagaalo maalmahaan ka dhacayay Walna-weyn iyo tuulooyin ku hareereysan, halka tirro intaas ka badan ay ku dhaawacmeen, waxaana xusid mudan in dadka qaarkood loo dilay si ka baxsan Bani’aadamnimada.
Qaar kamid ah Maleeshiyaadka ayaa baraha Bulshada ku soo dhigay muuqaalo dad la dilay, kadiba la qabad siiyay dab xoogan, isla markaana dad shacab ah loo gowracay Arrimo la xiriira aano qabiil.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu baaqay Madaxda Dowlad-gobeeldka Koonfur Galbeed, Odeyaasha Dhaqanka iyo waxgaradka deegaannada in ay u istaagaan xallinta colaadda macno darrada ah ee beelaha walaalaha ah ku dhexmartay degmada Walaweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Madaxwayne Farmaajo ayaa tacsi u diray dhammaan ehelada iyo qaraabada ay ka geeriyoodeen dadkii birima-geydada ahaa ee ku nafwaayey colaaddan, waxa uuna Alle u weydiiyey caafimaad deg-deg ah dadka ay waxyeelladu ka soo gaartay.