Muwaadin Soomaali ah oo Cudurka COVID-19 ugu geeriyooday Dal ka tirsan Yurub

Allaha u naxariistee, Maxamed Cumar oo ka tirsanaa dhallinyarada Soomaaliyeed ee Magaalada Wetzler ee Gobolka Hessen ee dalka Jarmalka, si gaar ahna Culimada Magaalada uga mid ahaa ayaa u geeriyooday Cudurka COVID-19.

Maxamed Baadil oo ka mid ah dhallinyarada Magaalada ayaa sheegay in Maxamed Cumar uu noqday qofkii saddexaad oo muddo laba bilood ah Magaalada Wetzler ugu geeriyoodo Cudurka halista ah ee COVID-19..

Marxuum Maxamed Cumar ayaa lagu aasay qaruuraha Muslimiinta ee ku yaalla gudaha dalka Jarmalka.

Soomaali farabadan ayaa sanadkaan sii dhammaanaya ee 2021 qaarada Yurub ugu geeriyootay xanuunka COVID-19, waxaana meelaha Soomaalida badan uu Cudurkan ku dilay ka mid ah Sweden, UK iyo meelo kale.