Mid kamid ah Midowga Musharaxiinta oo Maanta qaatay tallaalka COVID-19

Xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble Cali oo ku sugan Dalka Imaaraatka Carabta ayaa qaatay Tallaalka looga hortaga cudurka safmaraka ah ee Covid19.

Cabdulqaadir Cosoble Cali oo ka tirsan Midowga Musharaxiinta madaxweynaha una taagan qabashada xilka Madaxweynaha soo Soomaaliya ee Doorashada soo aaddan ayaa haatan waxaa uu qaatay Tallaalka Covid19, waxaana xildhibaanku uu ku sugan yahay Caasimadda isku tagga imaaratka carabta ee Abu-Dabi.

Xildhibaanka ayaa umadda bulshada Soomaaliyeed kula taliyay in ay qaataan tallaalka si ay kaga bad-baadaan caabuqa oo faro ba’an ku haya Bulshada Soomaaliyeed, waxaana ugu baaqay sidoo kale  in ay qaataan farriimaha ay bixinayaan hay’adaha qaabilsan Caafimaadka iyo wacya galinta xanuunka dunida aafeeyay.

Soomaaliya waxaa ay ka mid tahay dalalka uu sida weyn ugu soo laba kacleeyay xanuunka Covid19, waxaana wasaaradda caafimaadka Dowladda Soomaaliya maalinba maalinta ka dambeysa ay shaacisaa kiisas hor leh oo ku aaddan Caabuqa, iyadoo ay jiraan kiisas dhimasho ah oo si wey isku soo taraya.