Maanta ayaa waxaa siweyn looga Ciidayaa Maalinta koobaad ee Ciidul Adxa,iyada oo shalay Ummadda Muslimiinta ah intooda badan ay ahaayeen kuwo Soomaanaa.
Soomaaliya ayaa ka mid ah meelaha sida weyn Maanta looga ciidayo,waxaana socda diyaar garow ku aadan Goobaha dadka ay ku dukan doonaan Salaada Ciida,waana kala qeyb geli doona Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda.
Shacabka Soomaaliyeed ayaa isugu hambalyeeynaya Maalinta koobaad ee Ciidul Adxaa,iyaga oo qaarkood Guryaha isku booqanayaan.
Xaafadaha qaar ayaa waxaa lagu qalayaa Xoolo maadaama ciidan ay tahay Ciidul Adxaa dadka intooda badan ay dhigtaan Duco,lana cunayo Hilib iyo Xalwo intaba.
Sidoo kale Wadooyinka Waaweyn ee Muqdisho iyo Gobolada kale ee dalka ayaa waxaa lagu arkayaa Carruur yar yar iyo Waalidiintooda oo gacmaha isheysta si ay uga qeyb galaan Maalinta koobaad ee Ciidul Adxaa.