Madaxweynaha maamul Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa kulan la qaaatay Safiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Ambassador Kate Foster.
Madaxweyne Qoorqoor iyo Safiirka UK ee Soomaaliya ayaa ka wada hadlay waxyaabo dhowr ah oo ku aaddan arrimaha Maamulka Galmudug iyo guud ahaabna Soomaaliya, waxyaabaha ay sida gaarka ah uga wada hadleen ayaa waxaa ka mid ahaa arrinta doorashada dalka ka dhici doonta, iyo sidii UK ay doorkeeda u qaadan lahayd.
Inta badan Madaxda maamul Goboleedyada ayaa ku sugan magaalada Muqdisho, waxaana ay ka qayb gali doonaan shirka wadatashiga ah ee uu isugu yeeray Madaxweynaha muddo xileedkiisa Dastuuriga ah uu dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Maxamed Framaajo, waxaana sidoo kale xusid mudan in aan wali la shaacin goorta sida rasmiga ah uu u furmayo shirka u dhexeeya Farmaajo iyo Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada dalka.