Daawo:-Xildhibaan Xuseen Iidow”Eng Yariisow ha sheego Magacyada Xildhibaannada raba inay damiintaan…

Saacadihii la soo dhaafay waxaa jirtay jawaabo laga bixinayey hadal uu shalay sheegay guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ahaa inay jiraan xildhibaano doonaya in la siidaayo dadkii dilay Marxuum Axmed dowlo.

Dadka jawaabaha ka bixinayey ayaa waxaa ka mid ah Xildhibaan Xuseen Iidow,iyada oo sidoo kale ay jirtay in baraha bulshada lagu shaacinayey in xildhibaanka uu tegay xabsiga dakaasi ku xiran yihiin si loo siidaayo
Hayeeshee uu sheegay in warkaas aanba waxba ka jirin,isla markaana ay wadaan siyaasiyiin doonaya inay Bulshada Soomaaliyeed ka hor-keenaan.

Waxa uu sheegay in ka xildhibaan ahaan aysan ka suurtoobin ama damiirka uusan siineyn in qof falkaasi geystay in uu cadaalada hareer marsiiyo,waxana uu eeda dusha uga tuuray Siyaasyiin uu sheegay inay soo abaabuleen.

Ugu dambeyn waxa uu ugu baaqay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir in uu shaaciyo Magacyada xildhibaanada doonaya inay sidamiin ahaan ah ku siidaayaan dadkii dilay gubayna Marxuum Axmed muqtaar Saalax.

Hoos Ka Daawo Muuqaalka Dalsan tv oo Wareysi uu siiyey.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor