Mareykanka oo wada hadal la yeeshay Ra’iisul Wasaarihii la afgembiyay ee Suudaan

Mareykanka ayaa sheegay in Xoghayaha Arrimaha Dibadda, Antony Blinken, uu khadka taleefoonka kula hadlay Ra’iisul wasaarihii rayidka ahaa ee Suudaan, kaddib markii uu Abdalla Hamdok ku soo laabtay hoygiisii.

Mr Hamdok ayaa la xiray intii uu socday afgembigii militari ee dhacay Isniintii. War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa lagu sheegay in Blinken uu soo dhaweeyay sii deynta Hamdok,

Waxaa uu carabka ku adkeeyay baaqiisii ahaa in ciidamada qalabka sida ee Suudaan ay sii daayaan dhammaan hogaamiyayaasha rayidka ah ee la xiray afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay.

Mudaaharaadyada looga soo horjeedo la wareegidda ciidamada ayaa socday ilaa xalay, iyadoo dadweyne badan oo ku sugnaa caasimadda Khartoum ay socod ku mareen, isla markaana xireen waddooyinka waaweyn.

Mar sii horeysay, hoggaamiyaha afgambiga, General Cabdulfataax al-Burhan General Abdel Fattah al-Burhaan ayaa isku dayay inuu qiil u helo afgambiga isagoo ku eedeeyay kooxaha siyaasadda inay shacabka ku kicinayaan ciidamada ammaanka.

Wuxuu kala direy dowladdii kumeel gaarka aheyd, isagoo ku dhawaaqey in dalkaasi la galiyey xaalad deg deg ah.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor