Nin loo soo xiray xatooyo oo laba Askari xabsiga ku dilay

Nin xabsi ku yaalla dalka Talyaaniga ugu jiray tuhun la xiriira inuu mooto xaday ayaa toogasho ku dilay labo askari, xilli uu damacsanaa inuu baxsado.

Muuqaal lagu shaaciyay warbaahinta ayaa laga arkayaa ninkan oo isagoo hubeysan isku dayaya inuu ka baxsado saldhig ay boolisku leeyihiin oo ku yaalla magaalada Trieste.

Ninkan 29 jirka ah ayaa loo soo xiray eedeyn ku saabsan inuu mooto xaday.

Askarta oo su’aalo weydiinaya ayuu codsaday inuu musqul aado, ka dibna wuxuu qori ka xoogay askarigii loo raaciyay inuu dusha kala socdo inta uu suuliga isticmaalayo.

Waxaa lagu soo warramay inuu labada askari toogtay isagoo u dhow.

Waxaa goor dambe la arkayay isagoo dhismaha markuu kasii baxayay ridaya rasaas kale oo dheeraad ah.

Eedeysanaha, oo lagu magacaabo Alejandro Augusto Meran ayaa goor dambe dib gacanta loogu soo dhigay.

Labada askari ee uu dilay ayaa kala ahaa Pierluigi Rota iyo Matteo Demenego.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media