Wararka aan Caawa ka heleyno Bariga Gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in deegaan duleedka ka ah Magalada Gaakacyo ay is rasaaseen ku dhex martay dad Xoolo dhaqato ah.
laba maleeshiyo beeleed ayaa la sheegay inay isku rasaaseeyeen deeganka jilable-Heyre ee duleedka Gaalkacyo,waxna la sheegay in laba ruux oo dagaalkaas ku dhaawacmay la geeyey isbitaalka Koonfurta Magalada Gaalkacyo.
Wariyayaal ku sugan Gaalkacyo ayaa Dalsan waxa ay u sheegeen in maleeshiyaadka ay isku-hesytaan dhul daaqsin ah oo halkaasi ku yaalla,balse dagaalkooda ay ku baxeen Ciidamada isku-dhafka ah ee Magalada Gaalkacyo si xal looga gaaro.
Wararka ku soo kordha kala socda Radiodalsan.com