Madaxtooyada Hir-Shabeelle ee Magalada Jowhar waxaa Caawa kulan ku yeeshay Madaxweynaha Hir-Shabeelle, guddooomiyaha baarlamaanka iyo xildhibaano waxaana ay kaga hadleen mooshinkii dhawaan laga gudbiyay Madaxweynaha.
Kulanka soo saacado qaatay kadib ayaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle Cismaan Barre Maxamed waxa uu ku dhawaaqay in Xildhibaannada Hir-Shabeelle ay ka noqdeen Mooshinki laga keenay Madaxweynaha Hir-Shabelle Maxamed Cabdi Waare.
Guddoomiye Cismaan Barre Maxamed ayaa sheegay in mooshinkaas uu ahaa mid lagula xisaabtamayay Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare,isla markaan ay ku canaanayeen.
Hoos Ka Dhageyso Codka guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle.