Madaxweyne Qoorqoor oo Caawa kulan la yeeshay Midowga Musharaxiinta

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qooqoor oo Maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho ayaa Caawa kulan la qaatay xubno ka tirsan Midowga Musharaxiinta.

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Galmudug ayaa waxaa lagu sheegay in kulanka uu Qoorqoor la qaatay Midowga Musharaxiinta uu  hordhac u yahay kulamada guud ee looga arrinsanayo arrimaha doorashooyinka.

Sidoo kale inta uu socday kulanka dhinacyada ayaa looga hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee siyaasadda dalka iyo khilaafka hareeyay qabaoomida doorashada dhaceysa oo aan weli heshiis laga gaarin.

“Kulanka ayaa wuxuu hordhac u yahay kulamada guud ee looga arinsanayo  arimaha doorashooyinka” ayaa lagu yiri Qoraalka kasoo baxay Madaxtooyada Maamulka Galmudug.

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Guudlaawe ayaa goobjoog ka ahaa kulankii Caawa dhexnaray Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha.

Qooqroor ayaa Maanta Muqdisho kulan kula qaatay Wakiilada Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, iyagoona ka wada hadlay xaaladda dalka iyo khilaafka taagan.