Boqorka Sacuudiga oo Danjiraha Somalia ka guddoomay Warqadihii Aqoonsiga Danjirenimo.

 

Boqorka dalka Sacuudiga, Salmaan Bin C/casiis Al-sacuud waxa uu Xafiiskiisa ku yaalla Qasriga Boqortooyadda Yamaamah ee magaalladda Riyadh ku qaabilay 21 Danjirayaal cusub, oo uu ka guddoomay Waraaqahooda Aqoonsiga Danjirenimo.

Danjiraha Somalia u jooga Sacuudiga, Daahir Maxamuud Geelle ayaa ka mid ah Danjirayaasha laga guddoomay Warqadaha loogu soo magacaabay Xilkaasi.

Wakaalladda Wararka Sacuudiga ee SPA oo aan warkan ka soo xiganay ayaa sheegtay inuu Boqorka Sacuudiga kaga mahadceliyey Danjirayaasha uu qaabilay Taageeradda ay Dowladahooda u muujiyeen Dagaalka ka dhanka ah Kooxha loogu yeero Argagixisadda.

Boqorka Sacuudiga waxa uu Danjireyaasha ka codsaday inay Madaxdooda ka gaarsiiyaan Salaan iyo Mahadcelin.

Danjiraha Dowladda Kenya u jooga Sacuudiga, Maxamed Cabdi Maxamed oo ku hadlay Magaca Safiiradda Cusub ee uu Boqorka Sacuudiga qaabilay ayaa sheegay inuu Sacuudigu yahay dal Nabad ah, isla markaana ay ku yaallaan Labada Xaram ee ugu muhiimsan in lagu cibaadaysto.

Ambasaador Dahir Mohamoud Gelle danjirayaal0000

safiirka kenya safiirka Liberia safiirka Tanzania danjirayaal 2

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor