Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo safar shaqo ku jooga Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa maanta Shir-guddoomiyey Shirka Guddiga Amniga ee Gobolka Mudug.
Kulanka ayaa inta uu socday waxaa looga hadlay Amniga Gobolka Mudug iyo kan guud ahaan Puntland, waxaana Saraakiisha Ciidanka amniga Puntland ay Madaxweyne Deni uga warbixiyeen xaaladihii ugu dambeeyay ee Gobolka.
Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Taliyeyaasha Guud ee Ciidamada Daraawiishta iyo Booliiska ee Puntland, La taliyeyaasha Madaxweynaha ee dhinaca Amniga, xubno ka mid ah Golaha Wasiirada iyo Xildhabaano qeyb ka ah wafdiga Madaxweynaha ee Gaalkacyo ku sugan.
Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug kulamo kala duwan kula qaatay Odayaasha dhaqanka, dhalinyarada iyo Haweenka, isagoo kala hadlay arrimo kala duwan.