Madaxweynaha Puntland oo Cafis u fidiyay Maxaabiis farabadan

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Cafis u fidiyay Maxaabiis kala duwan oo ku xiran Xisbiyo ku yaalla deegaanada maamulka Puntland.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Madaxweyne Saciid Deni kuna taariikheysnaa 14-ka Bishaan April 2020 ayaa waxaa lagu shaaciyay in Cafis loo fidiyay Maxaabiis gaaraysa 194 oo ku kala xiran deegaanada Puntland.

Sababta Cafiska loogu fidiyay Maxaabiista ayaa lagu sheegay inay tahay xaaladda Cudurka halista ah ee Coronavirus oo kusii faafaya Caalamka oo dhaqan, sidoo kalena kiisaa dhowr ah laga helay gudaha dalka Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Puntland oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Garoowe ayaa waxaa uu sheegay inay soo dhaweynayaan Cafiska uu Madaxweyne Saciid Deni u fidiyay Maxaabiista.