Madaxweynaha dalka oo si diirran lagu soo dhaweeyay Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Abu Dhabi ee Caasimadda dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Madaxweynaha oo martiqaad rasmi ah ka helay Madaxweynaha Isu-tagga Imaaraatka Carabta Sheekh Maxamed Binu Saayid, ayaa kala hadli doona Madaxda dalkaas xiriirka labada dal iyo siddii Dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraatku ay u xoojin lahaayeen iskaashiga miro-dhalka ah ee dhinacyada maalgashiga, diblumaasiyadda iyo dhaqaalaha.