Madasha Xisbiyada oo kulan ka yeeshay daadadkii ku rogmaday Qardho

Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran ahna Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sh. Shariif Sheekh Axmed ayaa Guddoomiyey shir qaab fogaan arag ah (Video Conference) oo ay yeesheen Madaxda Madasha Xisbiyada.

Shirka ayaa waxaa looga hadlay inta uu socday Arrimo kala duwan oo ku aadan xaaladda dalka gaar ahaan fatahaad ka dhalatay Roobab mahiigaan ah oo saacadihii lasoo dhaafay ka da’ay Magaalada Qardho, waxaana fatahaada ka dhashay Khasaaro Nafeed iyo mid hantiyadeed.

Sidoo kale  Shirka qodobada looga hadlay ayaa waxaa kamid ahaa xaaladda Cudurka halista ah ee Coronavirus oo kiisas farabadan laga helay gudaha Magaalada Muqdisho iyo Magaalooyin kale oo ka tirsan dalka.

Shirkan waxaa qayb ka ahaa Madaxweyne Xasan Sheekh, Xildhibaan Abdulkadir Cosoble, Xildhibaan Suleyman Xaashi, Xildhibaan Fiqi, Dr. Shirwac, Maxamed Siiriin, Drs Caa’isha Kablow, Maxamed Madoobe Nuunow, Shariif Xasan Sheekh Aaadan, Xildhibaan Yusuf Gama’diid iyo masuuliyiin kale.