Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya kooxo hubeysan ayaa fiidnimadii xalay xaafad ka tirsan Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ku dilay qof shacab ah oo kamid ahaa dadka deegaanka Magaaladaas.
Dad Goobjoogayaal ah ayaa waxaa ay kusoo warrameen in dilka oo loo geystay Nin lagu magacaabi jiray Barre Cali Maax uu ka dhacay xaafadda Waaberi gaar ahaan laanta Hawada ee Caabudwaaq, wuxuuna Ninkaas u dhintay rasaas xoog leh oo lagu furay.
Nin la tilmaamay inuu ka dambeeyay dilkii khaarijinta ahaa ee loo geystay Marxuum Barre Cali ayaa goobta uu falkaas ka dhacay si dhaqsi ah uga baxsaday, waxaana markii dambe halkaas tegay Ciidamo ka tirsan kuwa Ammaanka Magaalada Caabudwaaq.
Ciidamada Booliska Galmudug ee Caabudwaaq ayaa howlgalo baaritaano oo ay ka sameeyeen xaafaddaha kala duwan ee Magaalada waxaa ay kusoo qabteen Ninka gacan ku dhiigala ah ee dilay Barre Cali Maax oo kamid ahaa dadka deegaanka.
Saraakiil ka tirsan Ciidanka Galmudug ayaa sheegay in Ninka la qabtay sharciga la horgeeyn doono, si loo maxkamadeeyo, waxaana wararka qaarkood ay sheegayaan in dilka dhacay uu salka ku haayo dilal la xiriira aanooqin qabiil.
Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa marar kala duwan sidaan oo kale uga dhacay dilal qorsheysan iyo weeraro salka ku haayay aanooyin qabiil, wallow markii dambe ay falalkaas ku yaraadeen Magaalada, kasdib markii la geeyay Ciidamo amniga sugaya oo ka hortega dilalka.