Khilaafka u dhexeeya dhinacyada doorashada Golaha shacabka ee Somaliland oo cirka isku sii shareeray

Iyadoo ay soo baxayaan khilaafyo hoose oo u dhexeeya dhinacyada ku lugta leh doorashada Golaha shacabka ee Gobolada waqooyi, ayaa waxaa cirka isku sii shareeraya khilaafka, iyadoo dhinacyadu ay qoraallo iska soo hor jeeda ay soo saarayaan.

Guddoomiye kuxigeenka Guddiga doorashada ee Somaliland C/shakuur Abiib Hayir ayaa nasiib darro ku tilmaamay in laga been abuurtay qoraalka xubno ka tirsan Guddiga SEIT ee Somaliland ay soo saareen.

Waxaana intaas uu caddeeyay mowqifkiisa shaqsiyadeed, isla markaana aanu isagu aheyn Guddoomiye Kuxigeen Koox gaar ah.

Waxaa uu sheegay in jahwareerka siyaasadeed laga madax banaaneeuo guddiga, isla markaana aan lagu dhex milin howlaha siyaasiga, si doorashada u socoto qaabka ku cad habraacyada iyo heshiisyadii la gaaray.

Hoos ka akhriso Qoraalka Guddoomiye kuxigeenka Guddiga doorashada ee Somaliland

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor