Taliska hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa sheegtay inay gacanta ku dhigtay maadooyin laga sameeyo waxyaabaha qarax iyo Shakhsiyaadkii dalka soo galiyey.
Qoraal kasoo baxay Taliska hay’adda Nabadsugida dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in gacanta lagu dhigay 79, Tan oo maadada “Sulfuric Acid”ah oo ah maaddo laga sameeyo Qaraxyada iyo Shakhsiyaad dalka soo geliyay, isla markaana u gudbinayay Al-shabaab.
Sidoo kale Qoraalka NISA ayaa waxaa lagu sheegay in hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka iyo kuwo caalami ah ay baaritaano kala duwan ku wadaan shaqsiyaadka la qabtay, isla markaana sharci la horgeyn doono.
Waxaa gacanta lagu dhigay 79, Tan oo maadada “Sulfuric Acid”ah & Shakhsiyaadkii dalka soo galiyey, una gudbinayey Maafiyada Alshabaab, waxayna wajihi doonaan Sharciga. Baaritaanka Maadadan waxaa ka wada shaqaynaya NISA & Hey’adaha ay iska kaashadaan ladagaalanka Aragagixisada.
— NISA (@HSNQ_NISA) October 14, 2020
Taliska hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ma shaacin halka lagu qabtay maadada “Sulfuric Acid”ah & Shakhsiyaadkii dalka soo galiyey, hayeeshee ay wadaan baaritaano kala duwan.