Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Maamulka Galmudug ayaa xalay howlgal qorsheysan waxaa ay ka sameeyeen Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, iyagoo ku soo qabtay maandooriyeyaal badan iyo dadkii ka Ganacsanayay.
Ciidamada Booliska ayaa howlgalka intiisa badan waxaa ay ka sameeyeen goobo bartilmaameed u ahaa oo loogu sheegay in lagu iibiyo maandooriyeyaasha khamriga iyo Xashiishka oo la geliyay Magaalada.
Inta uu socday howlgalka Ciidamada ayaa waxaa ay kusoo qabteen qaar kamid ah dadkii ka Ganacsanayay maandooriyeyaasha khamriga iyo Xashiishka, kuwaasi oo la xiray, sidoo kalena la gubay maandooriyaha.
Taliyaha Booliska Galmudug ee Guriceel Cismaan Cali Widey oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in dadka lagu soo qabtay maandooriyaha lasoo taagi doono Maxkamad, isla markaana sharci la marsiin doono.
Taliye Cismaan Cali ayaa Digniin u diray dadka ka Ganacsada maandooriyeyaasha oo ku sugan Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, wuxuuna sheegay in tallaabo laga qaadi doono dadkaas.