Danjire Isbitaal ugu geeriyooday Cudurka CORONAVIRUS

Danjirihii Indonesia u joogay dalka Sudan, Ambasasdor Rossalis Rusman Adenan ayaa la sheegay inuu u geeriyooday Coronavirus.

Hadal-qoraal oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Sudan ayaa lagu shaaciyey inuu Danjirihii dalka Indonesia uu shalay ku geeriyooday Isbitaalka Royal Care Hospital ee magaalladda Khartoum.

Qoraalka waxaa kaloo lagu muujiyey inuu Danjiraha geeriyooday uu si hagar la’aan ah uga shaqeeyey xoojinta Xiriiradda u dhexeeya Dowladaha Sudan iyo Indonesia.

Dhinaca kale, Wasaaradda Arrrimaha Dibedda ee Sudan waxay u tacsideeyeen Dowladda Indonesia, Qoyskiisa, Saaxiibadiisa iyo dhammaan Diplomaasiyiinta saaxiib la ahaa Danjiraha geeriyooday.

Ambasasdor Rossalis Rusman Adenan ayaa waxa uu isku hayey xilka Danjirenimo ee dalalka Sudan iyo Eritrea tan iyo bishii September 20-dii ee sanadkii 2018-kii.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor