Agaasimaha Hay’adda NISA Fahad Yaasiin oo magacaabis sameeyay

Agaasimaha hay’adda nadasugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa magacaabay Madaxa Shaqaalaha NISA, kadib markii xilka laga qaaday Taliyihii hore ee xilkaas haayay Cabdullaahi Kulane.

Agaasime Fahad Yaasiin ayaa Cabaas Yacquub u magacaabay Madaxa Shaqaalaha hay’adda nadasugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA, isagoo bedelaya Cabdullaahi Kulane oo uu xilka qaadis ku sameeyay Ra’iisul Wasaare Rooble.

Cabaas ayaa ka mid ahaa hoggaanka sare ee NISA, waxaana uu haayay xilka Maamulka, Maaliyadda iyo Tiknoolijiyada hay’adda, waana ninka loo badinayo inuu noqon doono Kusimaha Agaasimaha hay’adda NISA, sida la sheegay.

Magacaabista Cabaas Yacquub ayaa ka dambeeysay, ka gadaal markii Ra’iisul Wasaare Rooble xilalkii uu ka qaaday Cabdullaahi Kulane oo ahaa Taliyaha Shaqaalaha NISA iyo Taliyihii nabadsugida Garoonka Aadan Cadde, kuwaasi oo lagu eedeeyay inay jebiyeen amar uu soo saaray Rooble.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor