Haweenaydii ugu horreysay oo ka mid noqtay Baarlamaanka 11aad ee Aqalka Sare

Xildhibaankii ugu horreeyey ee Aqalka Sare kasoo galaya maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta lagu doortay magaalada Baydhaba, halkaasi oo codeynta xildhibaanada maamulka ay ka socoto.

Senator Zamzam Ibraahim Cali, oo hadda ka tirsan Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa dib loo doortay kursigeeda, ayada Shariifo Cusmaan Xaji kaga adkaatay codeyn ah 81-4.

Baarlamanka Koonfur Galbeed ayaa la filayaa in maanta uu doorto ilaa shan senator, ayada oo hadda ay socoto codeynta xubnaha kale.

Senator Zamzam ayaa noqoneysa haweeneydii ugu horreysay ee loo doorto Aqalka Sare ee cusub ee Soomaaliya.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ahaa kii labaad ee qabta doorashada Aqalka Sare, ayada oo Khamiistii tegtay doorashadii ugu horreysay ay ka dhacday maamulka Jubaland.