Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war ka soo saartay faragalinta siyaasadeed iyo midda amni ee dowladda Kenya ay ka waddo gudaha dalka Soomaaliya.
War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda ay ka xuntahay faragelinta siyaasadeed ay dowladda Kenya ka wado gudaha Soomaaliya, taasi oo ay tilmaamtay in aysan u wanaagsaneyn xiriirka labad dal.
Sidoo kale dowladda Federaalka ayaa sheegtay in maskasto ay raadineyso deris wanaag, isla markaana waxaa shacabka Shacabka Soomaaliyeed ay u balan qaaday in aysan aqbali doonin faragelin iyo Khalkhal abuuris lagu sameeyo dalka.
Hoos ka Akhriso War-saafadeedka kasoo baxay dowladda Federaalka.