Ciidanka Daraawiishta dowlad Goboleedka Jubbaland iyo kuwa Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya ayaa saakay waxaa ay dhaq-dhaqaaqo Ciidan ka wadaa deegaano ka tirsan Gobolka Jubadda Hoose.
Ciidamada is garabsanaya ayaa waxaa la sheegayaa in ay ku wajahan yihiin Degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada Hoose,halkaasi oo in muddo ah ay gacanta ku hayaan Al-shabaab.
Dhinaca kale Afhayeenka Wasaaradda Amniga dowlad Goboleedka Jubbaland Cabdnuur Ibraahim Xuseen oo la hadlay Idaaacda Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa u sheegay in Ciidamadan ayaa kusii jeedaan deegaanada Gobolka Jubadda Hoose ay kaga sugan yihiin Al-shabaab.
Sidoo kale Cabdnuur Ibraahim Xuseen ayaa waxaa uu tilmaamay in deegaanadii shalay Al-shabaab lagala wareegay Wasaaradda amniga Jubbaland ay geyn doonto Ciidamo gaar ah oo amnigooda xaqiijiyo,isla markaana shacabka halkaas ku dhaqan ay heli doonaan xauquuqdii ay ku lahaayeen Jubbaland.
Ciidanka Daraawiishta dowlad Goboleedka Jubbaland iyo kuwa Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya ayaa shala Al-shabaab ka saaray deegaanada Araare, Balad-Raxma iyo Kobon oo hoostaga Degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada Hoose,isla markaana waxaa halkaasi Saldhigyo ku lahaa Shabaab.
Hoos ka Dhageyso Codka Afhayeenka Wasaaradda Amniga Jubbaland.