Farmaajo oo Warqadaha aqoonsiga ka Guddoomay Safiiro loo soo magacaabay Somalia

Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirrada cusub ee dalalka Masar iyo Norwey ay u soo magacaabeen Soomaaliya, Maxamed Al-saciid Axmed Al-baas iyo Gunner Andreas .

Danjiraha dalka Masar Maxamed Al-saciid Axmed Al-baas ayaa Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday dhiggiisa dalkaas Cabdifataax Al-Siisi, isaga oo soo bandhigay dadaalka uu ku bixin doono adkaynta xiriirka taariikhiga ah ee ay wadaagaan Labada Dowladood iyo Labada Shacab ee walaalaha ah.

Dhanka kale, Danjiraha Dowladda Norwey ee Soomaaliya Gunner Andreas oo Madaxweynaha u gudbiyey warqadihiisa aqoonsiga ayaa la wadaagay Farmaajo mahad celin ku aaddan soo dhoweynta  diirran iyo qaabbilaadda wanaagsan ee uu kala kulmay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Farmaajo iyo Danjireyaasha Cusub ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga ay Dowladda Federaalka Soomaaliya la leedahay Dowladaha Masar iyo Norwey, isaga oo Madaxweynuhu la wadaagey Safiirrada guulaha la taaban karo iyo horumarrada ballaaran ee dowladda Federaalka Soomaaliya ka xaqiijisay dhinacyada amniga, dhaqaalaha, dayn cafiska, la dagaallanka argagixisada iyo dib-u-dhiska Ciidamada Qaranka.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa Danjireyaasha u sheegay in ay soo dhoweyn iyo wadashaqayn wanaagsan kala kulmayaan shacabka Soomaaliyeed, Dowladda Federaalka Soomaaliyana ay ku garab istaagayso gudashada waajibaadka diblomaasiyadeed ee loo soo igmaday.