Dowladda Somalia oo ka hadashay dilka Wariye Cabdiweli Online

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa cambaareeyay Dilka xalay loo Wariye Cabdiwali Cali Online oo ka tirsanaa Universal Tv.

Wariyaha ayaa kooxo ku hubeysnaa Bastoolado waxaa ay ku dileen gudaha Degmada Afgooye kuwaas oo ay ku raad joogaan Hay’adaha amnmaanka.

Wasiir Maareeye ayaa tacsi u diray qoyskii, Ehelkii iyo bahda Universal TV ee uu ka geeriyooday Marxuum Cabdiwali Cali Online , Sidoo kale ayaa Wasiirka ayaa sheegay in xooga saari doonaan sidii lagu soo heli lahaa ragii ka dambeeyay dilka u geystay Wariye Cabdiwali Cali Online.

Weli ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyada weerarka lagu dilay Wariye Cabdiweli Cali, waana Wariyihii ugu horeeyay ee sanadkaan 2020 lagu dilo gudaha dalka Soomaaliya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media