Weerar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Shil gaari oo fiidnimadii Caawa ka dhacay agagaarka Isgoyska Siinaay ee Magaalada Muqdisho dhinaca xiga degnada Boondheere.
Goobjoogayaal la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in Shilkaas uu ka dambeeyay, kadib markii uu soo fariin goostey gaari nooca xamuulka qaado ah oo siday Timir farabadan iyo waxyaabo kale oo ku rarnaa.
Gaariga oo ku socday xawaare sare ayaa waxaa la xusay in darawalkii waday uu lugta la waayay baareega gaariga, isagoona xakameyn waayay, isla markaana waxaa uu dul-maray mooto Bajaajyo yaallay hareeraha laamiga Siinaay.
Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay Shilkaas Caawa ka dhacay Isgoyska Siinaay, waxaana inta la xaqiijiyay ku geeriyooday laba ruux oo goobta ka dhawaa, iyadoona dhowr kalena ay dhaawacyo gaareen, kuwaasi oo la geeyay Xarun Caafimaad.
Sidoo kale gaariga xamulka ahaa ayaa waxaa ka kacay dab xoogan oo gubay Timar iyo agabyo kale oo saarnaa gaariga, waxaana lagu guuleystay demisntiisa, kadib markii halkaas ay tegeen gaadiidka dab demiska.
Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska oo Isgoyska joogay ayaa furay rasaas xoogan oo waxyeelo u geysatay dad shacab ah oo ku sugnaa hareeraha laamiga, welina ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka degmada Boondheere oo ku aadan Shilkaas dhacay.