Ahlusunna Waljamaaca ayaa War Cusub kasoo saartay xaalada Doorashada dowlad Goboleedka Galmudug, kadib markii maalmo kahor ay si toos Ahlusunna u qaadacday Arrimaha Doorashada.
War-saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir ayaa waxaa lagu sheegay in heshiiskii Ahlusunna iyo Galmudug uu qeyb muhiim ah kan ahaa geedi socodka Galmudug, hayeeshee ay gabi ahaan heshiisyadaas afduubatay dowladda Federaalka.
Sidoo kale Ahlusunna ayaa dowladda Federaalka uga digtay hadii ay wax ka bedeli weydo sida haatan wax uga wado Galmudug in iyaga oo kaashanaya dadka reer Galmudug oo ay ugu horeeyaan Odayaasha dhaqanka iyo Waxgaradka inay dhisi doonan Galmudug loo dhan yahay.
Si kastaba Ahlusunna ayaa horey u qaadacday Arrimaha Doorashada Galmudug ee ka socda Magaalada Dhuusamareeb, iyadoona dowladda Federaalka ku eedeeysay inay afduubatay Doorashada Galmudug.
Hoos ka Akhriso qoraalka kasoo baxay Xafiiska Sheekh Shaakir.