Kooxda isku magacowda Ciiddanka Qaranka Libiya ee LNA ee uu hoggaamiyo Marshaal Khaliifa Xaftar waxay sheegeen in Aag Milliteri u arkaan Xuduudka ay Algeria la wadaagto Libiya.
Hadal-qoraal oo ay Kooxdaasi soo saartay ayey ku sheegeen inay Ciiddankooda aad ugu dhow yihiin Xuduudka lgeria, una arkaan Deegaan Milliteri, lana mamnuucay Dhaqdhaqaaqa xuduudka labada dal.
Ilo-wareedyo la hadlay Warbaahinta SPUTNIK ee dalka Raashiya ayaa lagu sheegay inay Maleeshiyada Kooxda Khaliifa Xaftar haatan maamulaan mid ka mid ah Saddexda Bar Kontorool ee Xuduudka labadaasi Waddan ee kaabiga ku haya Xuduudka K/Galbeed Libiya una dhow Degmadda Gaat.
Dalalka Libiya iyo Algeria waxay wadaagaan dhul-xuduudeed dhererkiisu gaarayo 989 Kiilomitir ama 613 Mayl.