Faah faahin:- Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Warar dheeraad aha ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax Miino oo ka dhacay degmada Hodon ee gobolka Banaadir, waxaana kasoo baxaya faahfaahino kala duwan qaraxaasi.

Jugta qaraxa ayaa laga maqlay qeybo badan oo ka mid ah Magaalada Muqdisho, waxaana uu ka dhacay nawaaxiga madaxtooyadii hore ee C/qaasim oo aad ugu dhow dugsiga sare ee Banaadir ee degmada Hodon.

Goobjoogayaal ayaa Dalsan u xaqiijiyay in qaraxa oo ahaa Miino dhulka lagu aasay lala maaganaa gaari Cabdi Bile ah oo ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo aan la sheegin waxyeelo gaartay iyaga, in kasta oo ay dad shacab ah dhimasho iyo dhaawac kasoo gaartay.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaas ku geeriyooday 3-ruux oo ay ku jirto Hooyo iyo Ilma yar oo ay dhashay, iyada oo dhaawac uu soo gaaray ku dhawaad 3-qof oo iyaguna shacab ahaa, isla markaana ku sognaa goobta ay wax ka dhaceen.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ayaa goobta garay oo muddo kooban hakiyay isku socodka Gaadiidka iyo Dadka, wallow haatan xaaladda goobtu ay sideedii kusoo laabatay.