Cali Maxamed dubbad waa Sarkaal ka tirsan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo sheegay in uu ahaa Sarkaalkii qabtay kadib markii ay Gurigiisa galeen qaar ka mid ah raggii ka tirsanaa Shabaab ee 28,kii Bishii Octoper ee Sanadkaan weeraray Hotelka Naasa Hablood 2 ee M/Muqdisho.
Sarkaan kaan oo Wareysi siiyay Radio Dalsan Xarunta Muqdisho ayaa sheegay in Saakay ay soo weerareen gurgiisa ciidamo ka tirsan kuwa Nabad-Sugida iyo Booliiska Soomaaliya oo doonayay isaga in ay qabtaan.
Waxa uu sheegay in arrintaan ay timid kadib markii Saddex ka mid ah ragii weeraray Hotelkaas uu si xeeladeysan uu u qabtay abaalgud looga dhigay in horay Caruurtiisa la xiro marna isaga Gurigiisa lagu soo weerarayo.
“Adeer Gurigeyga ayaa waxaa soo weeraray Ciidamo Nabad-Sugid iyo Booliis isugu jira xabad ayayna nagu soo bilaabeen balse waxa iska difaacay ilaaladeyda, dhimasho iyo dhaawac ayaana ka dhashay hadana ima qaban oo waan ka baxsaday waxan joogaa taliska xoogga dalka Soomaaliyaâ€
Wariye Axmed Xusen Cadow oo Wareysanayay ayaa weeydiiyay Su’aal aheyd waxaa keenay in la soo weeraro ayaa waxa uu ku jawaabay.
“Runtii waxkale maahan ee maxaad u qabatay ragaas ayaa hada ka hor Caruurteyda loo xiray hadana la igu soo weeraray marka arrintaan waxay u taalla madaxda dalka maamusha iyo Shacabka Sooamaaliyeed ayuu yiri Cali Maxamed Jubbad.
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Sarkaalkaan oo xasaasi ah.