Wararka Idacada dalsan ee magaalada Muqdisho ay ka helayso deegaano ka tirsan gobolka Jubada hooose ayaa sheegaya in dagaal culus uu duleedka magaalada Kismaayo ku dhex maray ciidamada dowladda iyo Alshabaab.
Dagaalkaan ayaa timid kadib markii ciidamada dowladda ay howlgal ka bilaabeen deegaanka Baarsanguuni iyo deegaano kale oo ku dhow halkaas oo dagaalka xoogiisu uu ka dhacay.
Dadka deegaanka ayaa Warbaahinta u sheegay in dagaalka oo socday ku dhawaad saacad uu geystay khasaaro in kasta oo labada dhinac aysan ka hadal.
Xaaladda ayaa hadda degan waxaana ciidamada dagaalka la galay Alshabaab oo ahaa kuwa Maraykanku tababaro ee Baangaraaftu ay ku soo laabteen deegaankii ay markii hore ka ambabaxeen.