Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare Cabdi Raxmaan Maxamuud Cabdulle (Jaabiri) iyo Agaasimaha Guud ee wasaarada waxbarashada Mudane Axmed Xasan Yuusuf ayaa maanta soo xiray imtixaanka Fasalka 12-aad oo Shantii Maalin ee la soo dhaafay ka socday dalka islamarkana ay u fariisteen in kabadan 34, 600 oo arday.
Wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada Hiddaha Iyo Tacliinta Sare Cabdi raxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabiri ayaa u mahadceliyey cidkasta oo qeyb ka qaadatay oo ay ugu horeeyaan waalidiinta, ardayda iyo Ciidamada Amniga oo qeyb muhiim ka qaatay.
Agaasimaha Guud ee wasaaradda waxbarashada Axmed Xasan Yuusuf ayaa sheegay in imtixaanku uu ku soo dhamaaday Jawi Dagan, isla markaana ay ardayda Soomaaliyeed muujiyeen dadaalkoodo ku aadaan waxbarashada. Waxa uuna u mahadceliyay waalidiinta waxa uuna ardayda u rajeeyay natiijo wanaagsan.
Dhinaca kale Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay inay xir xireen dad faro badan oo ku howlanaa qal-qal-gelinta imtixaanka, isla markaana waxaa uu tilmaamay inay si adag ula xisaabtami doonna dhammaan dadka caadeystay in ay imtixaanka siyaasadeeyaan.