DEG DEG:-Qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax Goordhow ka dhacay qeybo kamid ah Degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir,kaasi oo ahaa mid Jugtiisa laga maqlay Xaafado ka tirsan Magaalada Muqdisho.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa mid lagu soo xiray gaari nooca raaxada a,isla markaana uu qarxay xili uu marayay Afafka hore ee Dekadda Magaalada Muqdisho.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa tegay goobta uu qaraxa ka dhacay ,iyagoo halkaas ka wada baaritaano kala duwan.

Weli lama oga Khasaaraha ka dhashay qaraxaas.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media