Waxaa goordhawyed Xarunta Golaha Shacabka ee Villa hargeysa si toos ah uga furmay kulan xasaasi ah oo ay isugu yimaadeen Xildhibaanada labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaasi oo looga hadlayo ajandayaal dhowr ah.
Kulanka oo ay horay u qaban-qaabiyeen Guddigii la magacaabay ee laabda aqal, ayaa waxaa lagu go’aamiyay waqtiga ay dhacayso doorashada Guddoonka labada aqal iyo goorta ay billaabaanyso diiwaan galinta Xubnaha u taagan in ay qabtaan Xilka Guddoomiyaha iyo laabda Guddoon xigeen.
Waxaa la go’aamiyay Doorashada guddoomiyaha Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya la dooran doonaa 27 Abril 2022, sida uu ku dhawaaqay guddiga qaban qaabada doorashada guddoonka baarlamaanka.
Sidoo kale doorashada Guddoonka Golaha Aqalka Sare ay dhici doonto 26 April, iyadoo maalinimada berry ah ay bilalaban doonto Diiwaam gelinta Musharaxiinta.