Deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Galgaduud saacadihii la soo dhaafay waxaa ka dhacay dilal oo qaarkood la sheegay in ay ahaayeen aanooyin qabiil,waxana dhacdooyinkaas dowladda Federaalka ku eedeeyay Madaxweynaha Maamulka Galmudug.
Madaxweyne Xaaf ayaa sheegay in khilaafka ka dhex jira dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada uu yahay mid dib u dhac badan keenay,hadii uu sii jirana uu sababi karo burbur ku yimaada dalka.
Sido okale waxaa uu ku eedeeyay in dowladda Federaalka ay ku lug leedahay dilalkii Saacadihii la soo dhaafay ka dhacay deegaano ka tirsan Maamulka Galmudug,waxana uu sheegay in Ukumihii dowladda Federaalka ku abuurtay ay ku qarxeen waa sida uu hadalka u dhigay.
Degmooyinka Cadaado, Afbarwaaqo iyo Hobyo ayaa waxaa ka dhacay dilal loo geystay Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dad rayid ah halka degmada Balanbale ay ka dhaceen dagaal beeleedyo sababay dhimasho iyo dhaawac.
Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweynaha Maamulka Galmudug.