Dabka ka kacay Gudaha Garoonka Aadan-Cadde & Shaqadii oo istaagtay

Xalay ayaa dab waxa uu ka kacay Maqaayada CP lunch oo ku dhextaala Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magalada Muqdisho dabkaas oo sababay in howlihii Shaqo ee Garoonka ay istaagaan.

Dabka ayaa waxaa wararka aan helnay ay sheegayaan in uu sababay koronto,waxana inta badan uu khasaaro u geystay Maqaayada.

Dad ku sugan Gudaha Garoonka ayaa Dalsan waxa ay u sheegeen in weli ay socoto gurmad ku aadan sidii dabkaasi loo demin lahaa,isla markaana Shaqooyinka Garoonka ay istaageen.

Dhamaan Shaqaalaha Garoonka ee saakay soo aaday ayaanan weli gudaha Garonka gelin,waxaa sidoo kale hakad la geliayay duulimaadyadii Garoonka ka bixi jiray iyo kuwii soo degi jiray.

Maqaayada CP lunch ayaa ka mid ah Maqaayadaha waaweyn ee ku dhex yaalla Gudaha Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde,waxaana saameyn uu ku yeeshay dabka ka kacay maqaayadaas.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor