Dhageyso:-Falanqeeye Guuleed ayaa shaaciyay 5 Qodob oo fududeysay xilka qaadistii Cosoble

Guuleed Maxamed Axmed oo ah falanqeeyey Siyaasadeed ayaa ka hadlay xiisada ka taagan Maamulka Hir-Shabeelle taas oo sababtay in xilkii laga qaado Cali Cabdullaahi Cosoble.

Waxa uu sheegay in arintaan ay tahay Guulweyn oo u soo hoyatay Shacabka Hir-Shabeelle,islamarkaana tani ay muujineyso awooda xildhibaanada ay u leeyihin in qofkii wax qaban  waayo ay meesha ka saaran.

Sidoo kale isagoo sii hadlayay kana jawaabayay Su’aasha ah maadaama Cosoble uu ku doodayo in kooram aan dhamestirneyn xilka looga qaaday ayaa shegay in isagu uu akhriyay Warqada ay qoreen ayna ghaarayan ilaa 80 mudane.

Waxaa kaloo uu sheegay in arinta xiisadaan dhalisay ay tahay in uusan Baarlamaanka Hir-Shabeelle kala tashan Magaacaabista degmooyin Cusub ee Gobolka Hiiraan.

Hoos Ka Dhageyso Codka falanqeeyaha.