(Dhageyso):- Madaxda SIMHA, SOMA iyo SOWJ Oo Baaq Wadajir Ah Soo Saaray.

Muqdisho(Radio Dalsan):-  Guddoomiyayaasha Hay’addaha Warbaahinadda Madaxa-bannaan ee SIMHA, SOMA iyo SOWJ waxay maanta si wadajir ah Shir Jaraa’id ugu qabteen magaalladda Muqdisho, waxayna cabasho kaga muujiyeen Tallaabooyinka ay Wasaaradaha Warfaafinta iyo Amniga Gudaha uga meermeerayaam inay Suxufiyiinta u fudueeyaan Kaararka Aqoonsiga Doorashadda, si ay u soo tebiyaan Doorashadda Guddoonka Barlamaanka iyo tan Madaxweynaha ee la filayo inay dhawaan ka dhacaan magaalladda Muqdisho.

Guddoomiyaha Hay’adda Warbaahinadda Madaxa-bannaan ee SIMHA, ahna Agaasimaha Guud ee Radio Dalsan. Xasan Cali Geesey ayaa sheegay in Hab-dhaqanka Labadaasi Wasaaradood ahayn Nidaam la fahmi karo, wuxuuna ugu baaqay in la wada hadlo, lana wadaago Talooyinka sida loo bixin karo Kaararka.

Halkan Hoose Ka Dhageyso Codka Masuulyiinta

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor