Wasiiru dowlaha Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka badda ee maamulka Hir-Shabeelle Cismaan Xaadoole oo warbaahinta ku la hadlay Deegaanka Xaaji Cali oo hoostaga Degmada Cadalle ee Gobollka Shabeellaha dhexe ayaa sheegay inay taageeri doonaan Ururka la magac baxay Macaawiisleyda oo Al-shabaab la dagaalamay.
Waxa uu sheegay Xaadoole in garab la siin doono Ururka si ay deegaankooda uga saraan Al-shabaab,isla markaana dar daaran u jeediyay Macwiisleyda.
Cismaan Xaadoole oo ah Wasiiru dowlaha Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka badda ee maamulka Hir-Shabeelle ayaa tilmaamay jabhadda Macwiisleyda loo baahan yahay in ay dowlada Soomaaliya horkacan,si ay dagaalka ka dhanka Al-Shabaab ay uga qeyb qaataan,maadama deegaankooda uu yahay deegaanka uu dagaalka ka jiro ayuu yiri Cismaan Xaadoole.
Cismaan Xaadoole ayaa waxa uu dar daaran xoogan u jeediyay Ururka la magac baxay Macwiisleyda,isagoo kula dar daarmay in ay u dhintaan deegaankooda,si Al-shabaab looga saaro deegaanada ay ka joogaa Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Dhawaan ayay aheyd markii Ururka la magac baxay Macwiisleyda iyo dagaalyahano ka tiran Al- Shabaab uu dagaal xoogan ku dhexmaray tuulooyin hoostaga Degmada Aadan Yabaal oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe,kaasi oo sababay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Hoos Ka Dhageyso Codka Cismaan Xaadoole.