Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa ka qeyb galay munaasabad ay qeybaha bulshada Gobolka Banaadir isku-xusuusinayeen musiibadii Qaran 14-kii Octoobar 2017.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa xusuusiyey bulshada Soomaaliyeed muhiimadda ay leedahay in meel looga soo wada-jeesto kooxaha caadeystay dhibaateynta shacabka, oo weli maskaxda ummadda Soomaaliyeed ay ka guuxeyso falkii argagaxisada ee 14-kii Octoober 2017.
“14-kii Octoober 2017 waxay ahayd maalin madow oo kooxda manaxayaasha ay dhibaato xoog-leh u geysatay shacabka Soomaaliyeed, Ilaahay waxaan uga baryaynaa inuu naxariistiisa ka waraabiyo dadkii naftooda ku waayay, kuwii ku dhaawacmayna caafimaad siiyo, Waana in loo midoobaa Argagixisada oo caadeysatay xasuuqa shacabka Soomaaliyeed.â€
Duqa Muqdisho ayaa sheegay in loo diyaar garoobo sidii maalintan loo xusuusin lahaa dadka Soomaaliyeed, isla markaana meel looga soo wada-jeesto dhibaatada ay maleegayaan argagixisadu.
Munaasabadda ayaa waxaa hadallo ka jeediyey qeybaha bulshada ee ka qeybgalay munaasabadda, waxayna dhammaantood caddeeyeen falkii waxashnimo ee dhacay 14-kii Octoober inuu mideeyey quluubta Shacabka Soomaaliyeed.